Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo baaq deg deg ah u diray Madaxda dowladda

55

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin kala duwan oo xaga nolosha ah ay u geysteen dadka kunool degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab markii ay isaga baxayeen degmada Aadan-yabaal ay Agabkii kala baxeen Ceelashii Biyaha laga cabayay sidoo kalena ay horay u sii qaateen Raashinkii yaallay degmada, wuxuuna ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya in gurmad deg deg ah lala soo gaaro degmada Aadan-yabaal iyo degaannada hoostaga.