Ciidamada ammaanka oo nin hubeysan ku toogtay magaalada Muqdisho

43

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka ka fuliyeen qaybo ka mid ah degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu toogtay nin ku hubeysnaa bistoolad oo ku sugnaa degmadaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay ka hortegeen weerar uu qorsheynayey ninkaasi, kadib xogo ay ka heleen dadka deegaanka.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socdo xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Share this: