UNHCR oo walaac ka muujisay xaaladda qoysaska ku nool xeryaha Dhadhaab

47

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in xaaladda bini’aadantinimo ee tobanaan kun oo Soomaali ah oo ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya ay sii xumaanayso.

Tani ayaa UNCHR ku tilmaantay musiibo bini’aadanimo oo mudo 40 sano ah aan ka dhicin Geeska Africa kadib markii ay abaaro isdabajooga ah ku dhufteen shantii sano ee lasoo dhaafay.