Itoobiya oo ciidamadii ugu badnaa u daad-gurayneyso gobolka Oramia

48

Dowladda Ttoobiya ayaa ciidamo federaal ah gaysay mar kale gobolka Oromada oo ay ku soo noqnoqdeen weerarrada kooxaha hubeysan. Maleeshiyada Axmaarada ayaa lagu eedeeyay weeraradii ugu dambeeyay ee galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof halka kumanaan kalena ay ku barakaceen magaalooyinka Anger Gute iyo Kiramu ee ku yaala bariga xuduudka gobolka Axmaarada.

Si kastaba ha ahaatee qoomiyada Axmaarada ee laga tirada badan yahay ee ku dhaqan deegaanka ayaa ku eedaynaya koox gacan saar la leh kacdoonka Oromada ee OLA.