Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka oo mooshin u gudbiyay Guddoonka

8

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa gudbiyay mooshin ku saabsan ka doodista Amniga dalka iyo Xasaanadda Xildhibaanada.
Xildhibaanadaan ayaa dalbaday in lagu soo daro ajendaha maanta si ay dood kaga yeeshaan.

22 Xildhibaan ayaa ku saxiixan mooshinka.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta aqrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada & Warbixinta Xildhibaanada, balse waxaa la horkeenay mooshin ay saxiixeen 22 Xildhibaan, kaas oo ah in laga hadlo Arrimaha Amniga, lana hakiyo Ajandayaasha kale.