Dad shacab ah oo ku geeriyoodey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

72

Inta la og yahay Labo Ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyoodey saaka shaqaaqo dhagaxtuur ah oo sababtey markii dambe is rasaaeyn ayaa degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waxay ku dhaxmartey dad u badan haween iyo dhalin yaro ka soo kala jeeda labo Beelood ee wada dega degmadaasi.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay shaqaaqadan,balse dad deegaanka ayaa sheegaya arintan in ay ku bilaaban tey is maandhaf dhex marey dhalinyaro careysan.

Xaalada degmada ayaa aad u kacsan,waxaana la jarey isgaarsiintii degmadaasi ay la lahayd dalka intiisa kale,waxaana jiro dadaalo ay wadaan waxgarad ka soo kala jeeda labada dhinac.

Waxii warar ah ee ku soo kordha kala soco Radio Markabley.com