Ciidamada DF oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay agagaarka Aadan Yabaal

55

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen deegaano u dhow degmada Aadan Yabaal.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay u dhaqaaqeen dhanka Aadan Yabaal oo uu ku yaalla saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab.

Saraakiisha horkaceysa ciidamada huwanta ayaa shaaciyay in ujeedkooda uu yahay in gaaraan degmadaas, si ay uga saaraan Al-Shabaab oo sanado badan ku sugan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aada u kacsan, waxaana haatan abaabuulkii u dambeeyey uu ka socdaa Sh/Dhexe oo ka mid ah meelaha uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.