RW Xamse oo Midowga Yurub kala hadlay gurmad gaarsiinta degaannada laga saaray Al-Shabaab

41

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa kala hadlay xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada arrimaha bini’aadanimada, horumarinta iyo xasillinta deegaannada la xorreeyay Al-Shabaab.

Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay sii wadida taakuleynta dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorka ay ka qaataan dowlad dhisidda iyo mashaariicda horumarineed, waxa uuna tilmaamay in deegaannada laga xorreeyey Khawaarijta ay maanta u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo in la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.