Maxaa kajira in Ajaanib katirsan Al-Shabaab lagu qabtay Gobolka Mudug?

30

Laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa la sheegay in degaan hoostaga degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ay ku qabteen Rag Ajaanb ah, kuwaas oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Raggan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 20 ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan qabashadooda, waxaana Risaala faah faahin ka siiyay howlgalka lagu qabtay raggaas Maamulka degmada Hobyo.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee Gobolka Mudug Cabdullaahi Axmed Cali ayaa sheegay in ragga oo kasoo kala jeeda Iiraan iyo Pakistan aan wax hub ah wadin ay baaritaano ku hayaan, isla markaana ay kala cadeyn doonaan dhawaan waxa ay yihiin.

Wuxuu sheegay in Wareysiyo lala yeeshay ay ku sheegeen inay yihiin kalluumeysato u afduubnaa Al-Shabaab oo laga soodaayay balse, iyagu ay jawaab ka sugayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Howlgalkan lagu qabtay ragga Ajaanibta ah ayaa kusoo aadaya xilli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan degaano katirsan gobolka Mudug, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay qorsheynayaan inay la wareegaan degaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.