Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka oo la wareegay Ceelbaraf

59

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashaanaya dadka degaanka ee hubka qaatay ayaa Maanta la wareegay degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelllaha Dhexe, halkaas oo ay muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmada Ceelbaraf waxaa laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac iyo Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada degaanka ay dhowr jeer fuliyeen weeraro gaadmo ahaa.

Kabtan Abuukar Axmed Cabdulle ( Taqile) oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada degaanka ee howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in si nabadgelyo ay ay kula wareegeen degmada Ceelbaraf kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in Ciidamada ay maalihii la soo dhaafay kujireen diyaar garoow xoogan, balse markii ay Maanta tageen degmada Ceelbaraf ay ku arkeen duruufo badan oo heysta Bulshada degaanka oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay maamulayeen Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in hadda ay wadaan howlgallo ay ku raad joogaan xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee isaga baxay degmada Ceelbaraf, isla markaana ay howlgalka sii wadi doonaan