Ciidamada dowladda oo Maanta howlgal kula wareegay degaanka Cadcadeey

39

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta Ururka Al-Shabaab kala wareegay deeggaanka Cadcadeey oo hoostagga magaaladda Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha dhaxe oo in muddo ah maamulayeen.

Gen. Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa Risaala u sheegay in ciidanka xoogga saakay ay sinabadgelyo ah gudaha u galeen deegaanka Cad-Cadeey kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgallada ay siwadajir ah u sii wadi doonaan Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka guud ahaan dalkana laga saari doono Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Janeraal Tareedisho waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed in qof walba uu u kaco sidii uu ula dagaalami lahaay Al-Shabaab.