Madaxweynaha Puntland oo soo gabagabeeyay booqashadiisii Zambia

9

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa soo gebagabeeyay booqashadii ay ku tageen magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Saciid Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kenneth Kaunda ka soo sagootiyey safiirka Soomaaliya ee Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Zambia.