Turkiga oo gacanta ku dhigay Haweeney ku eedeeysan qarixii Istanbul

30

Dowladda Turkiga ayaa soo bandhigtay Haweeney lagu eedeeyay inay ka dambeeysay qaraxii ay dadka ku dhinteen ee shalay ka dhacay Magalada Istanbul ee waddankaasi Turkiga.

War kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in Haweeneyda Boorso qarax uu ku jiro ay dhigtay waddo mashquul badan oo kutaalla Istanbul, hayeeshee ugu dambeyn baaritaan la sameeyay lagu soo qabtay.

Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in Haweneydan ay kasoo jeeda dalka Suuriya, waxaana dowladda Turkiga ay qaraxaan dusha ka saartay Kooxda Dalkaas laga mamnuucay ee PKK.