Ciidamada dowladda oo weeraray degaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

31

Dagaal xoogan ayaa Galabta ka dhacay degaan u dhaxeeya degaannada Halgan iyo Booco ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka oo garabsanaya kuwa dowladda gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ay weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa hoggaaminaya ciidanka howlgalkaasi fuliyay , isaga oo sheegay inay dagaalka guulo waaweyn ay ka gaareen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada oo helay xogta Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo kasoo gudbay jiinka wabiga oo doonayay inay weeraro fuliyaan ay ciidamadau weerar ku qaadeen.

Wararka risaala ay heshay ayaa sheegaya in ciidamo ka kala tegay degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan ay gaareen degaannada lagu dagaalamay, kuwaas oo ku biiray dagaalka.