Maleeshiyaad hubeysan oo Wiil iyo Aabihiis ku dilay gobolka Galgaduud

46

Allaha u naxariistee waxaa xalay deeganaka Dhisaq Shurufle ee gobolka Galgaduud lagu dilay wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Cismaan Axmed Geedi iyo wiil uu dhalay.

Dilkan oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka ayaa waxaa geystay maleeshiyaad hubeysan oo goobta isaga baxsaday, kadib dhacdadaasi.

Aabaha la dilay iyo wiilkiisa ayaa xilliga uu dhacayey falkan dukanayey Salaadda Cishe, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowlad goboleedka Galmudug oo bilaabay baaris la xiriirta dhacdadaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xubnaha weerarka fuliyey ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab oo haatan dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

AUN Sheekh Cismaan Axmed Geedi ayaa soo noqday guddoomiyihii hore ee maxkamadda degmada Cadaado, waxaana la filayaa in maanta isaga iyo wiilkiisa lagu aaso halkaasi.