Ku-simaha madaxweynaha oo Gudoomiyaha Hiiraan kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

54

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo Shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaannada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, oo ciidaanka geesiyaasha kala wareegeen degaanno hor leh.

Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa ammaanay Ciidanka Qaranka oo har iyo habeen u soo jeeda sidii guud ahaan dalka looga xorreyn lahaa Al Shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka Al Shabaab.