Gudoomiye ku xigeenka Garasbaaley oo la amray in lasoo qabto

75

Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa amar in lasoo qabto Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada deegaanka Garasbaaley.

Waxaa lagu eedeeyay in handaad iyo hor istaag ku sameeyay Shaqadda maxkamaddaha dalka.

Maxkamada Gobolka Banaadir Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa amray in mudo 24-saacadood lagu soo qabto oo maxakamada la horgeeyo Guuleed Cabdi Xuseen oo ku magacaaban Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada Deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, oo warqadaan sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa in uu horkeeno Maxkamadda Gobolka Banaadir eedaysane Guuleed Cabdi Xuseen oo ku magacaaban Guddoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada deegaanka Garasbaaley kaas oo is-hortaag shaqo iyo handadaad ku sameeyay Maskamadaha kala ah:

Maxkamadda Gobalka Banaadir, Maxkamadda
Racfaanka Maxkamadda Sare ee dalka kuwaas shaqa maalmeedkooda sharcigu siiyay ku guda jiray, boogasho dhuleedna ku tegay deegaanka Garasbaaleey, isaga oo sicad uga horyimid shaqadooda, kuna xadgudbay
Qodobada kala ah: 267, 265, 269, 263, 250, 2s1 XCS.

Sidaa darted waxaa la farayaa Taliyaha Oeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir in muddo 24 saac gudohood ah kusoo qabatid kuna Horkeentid Maxkamadda Gobolka Banaadir eedeysanaha kor ku xusan.