Weerar qaraxyo ku billaawday oo ka dhacay Gobolka Hiiraan & dowladda oo ka hadashay

7

Waaberigii hore ee saaka ayaa Xubno katirsan ururka Al-Shabaab waxaa ay weerar ku billaawday qaraxyo ku qaadeen Saldhig ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Burdaar ee Galbeedka magaalada Beledweyne.

Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaas oo dhexmaray ciidamada Kumaandooska Gorgor eek u sugan degaanka burdaar iyo Al-Shabaabkii weerarka kusoo qaaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Markabley u sheegeen in dagaalka uu ahaa mid socday in ka badan laba saacadood, isla markaana uu jiro khasaaro nafeed iyo min hantiyadeed oo soo gaaray dad Shacab ah oo ku sugan degaanka Burdaar, hayeeshee aysan ka bixin Karin faah faahino dheeraad ah.

Dhinaca kale War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fashiliyeen weerar gaadma ah oo ay Al-Shabaab saakay waabirigii kusoo qaadeen deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka oo helay xogta qorshaha Al-Shabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Al-Shabaab.