Wareeggii ugu dambeeyay wadahadallada hub ka-dhigista TPLF oo Nairobi ka socda

11

Wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada nabadeed ee u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo wakiillada gobolka Tigray ayaa wakhti dheeri ah lagu daray, iyadoo taliyayaasha ciidamada ay ka shaqeynayaan tafaasiil ku saabsan hub ka dhigista ciidamada Tigrayga kadib laba sano oo colaad ah.

Sarkaal la socda wadahadalladan oo codsaday in aan la magacaabin maadaama aan loo oggoleyn inuu ka hadlo arrinkan, ayaa xaqiijiyay wakhtiga dheeriga ah ee lagu daray socoshada shirkan Khamiistii.