Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

49

Rag hubeysanaa ayaa waxaa la sheegay in degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir ay maanta ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Wiilka Dhalinyarada ah, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in rag Burcad ah oo doonayay inay dhacaan ay kudileen Xaafada Kaawa-godeey qeybta degmada Dharkeenleey.

Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Abshirow ayaa la dhashay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, wuxuuna kamid ahaa Dhlinyarada wax bartay ee kunool Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Wiilka dhalinyarada ah, hayeeshee aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Magaalada muqdisho ayaa sibareer ah mar walba loogu dilaa dadka Shacabka ah, iyada oo dhowr jeer qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ay kooxo burcad ah kudileen dad Shacab ah oo ay dhac u geysanayeen.