Shirka isbedalka Cimillada oo ka socda Masar & MD Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya

20

Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar waxaa ka socda shirweynaha 27-aad ee Qaramada Midoobay ee sanad kasta looga hadlo wax ka qabashada isbedalka cimillada.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyaal kala matalaya in ka badan 120 waddan oo dunida ah, waxaana kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Soomalaiya iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehlisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa la filayaa inay kulamo doceedyo kala duwan la qaataan madaxda ka qeyb galeysa shirka isbedalka cimillada ee ka socda dalka Masar.