Wasiirka Falagle oo Guul ka sheegtay dagaalkii ka dhacay degaanka Qaayib

45

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed shire Falagle ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee saaka Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo dagaal xoogan uu ka dhacay.

Wasiirka oo Wareysi siiyay Warbaahinta Risaala ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay siwyen isaga difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab isla markaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.

Wuxuu sheegay in Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weli ku raad joogaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee soo weeraray isla markaana ay degaano dhowr ah kala wareegi doonaan.