DEG DEG: Imran Khan oo lagu dhaawacay weerar toogasho

55

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga dhaawacay lugta maanta kadib markii kolonyo baabuur oo uu la socday la rasaaseeyey xilli uu ku sugnaa bariga dalkaas, waxaa sidaas sheegay kaaliyihiisa.

“Nin watay qori darandoori u dhaca ayaa rasaas furay, dhowr qof ayaa dhaawacmay. Imran Khan sidoo kale wuu dhaawacmay,” ayuu Asad Umar u sheegay Reuters. Khan ayaa la dhigay isbitaalka.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Wazirabad, oo qiyaastii 200 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Khan ayaa xabadda waxay kaga dhaacday kal-dheerta lugta, sida uu sheegay Fawad Chaudhry oo ah afhayeenka xisbiga PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan.