Wararka Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Saadaasha Roobka todobada cisho ee soo socota

100

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka Xarunteeda Ka digista halis-wadareedka ayaa soo saartay Saadaasha Roobka todobada casho ee soo socota (01da – 08-da november 2022)

Todobada casho ee soo socota oo ah asbuuca koowaad ee bisha Novembar 2022ka ayaa waxay saadaasha roobku sheegeeysaa in uu asbuucani ka qalalnaan doono afartii asbuuc ee la soo dhaafay, sidaa darteed waxaa aad u qalal naandoona gobollada , woqooyi, gobollada dhexe iyo qeyb ka mid ah gobolladakoonfureed ee dalka, kuwaas oo intooda badan heli doona roob aad u yar.

Gobollada; woqooyi galbeed sida, Awdal, Sool, Togdheer, Nugaal, Bari, Mudug, Hiiraan, ayaa sida ay saadaashu sheegeeyso waxay asbuucan heli doonaan roob aad u yar kaas oo xadigiisu lugu qiyaaso 01 – 10 (mm)

Gobollada kale ee dalka sida: sanaag, galguduud, Shabeelaha dhexe, #Shabeelaha hoose, jubada dhexe, Bay, #Bakool, iyo Banaadir waxay asbuucan heli doonaan roob xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm) sidaa darteed ma fileeyno ineey saameeyn badan yeeshaan.

Gobollada Gedo iyo jubada hoose ayaa waxay saadaashu sheegeeysaa in ay asbuucan heli doonaan roobabka ugu badan dalka kuwaas oo u qiyaastii u dhexeyn doona 01 – 50 (mm)