Ku dhawaad 10 kooxood oo lacago baad ah ka qaada gaawaarida u kala goosha Muqdisho iyo Baladweyn

49

Jid-gooyooyinka isbiraada ayaa ka jiro qeybo kamid ah dalka, marka loo eego sida ay ahaan jireenn Sanado ka hor tiro ahaan markii lala bar-bardhigo kuwii hore oo ay baabi’isay dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya.

Howlgalo lagula dagaalamayo jidgooyooyinka dadka musaafurka lagu dhibaateeyo oo ay horay u sameeyeen ciidanka xoogga dalka ayaa welli dhammaan, dhowr jeer ayay madaxdii kala duwaneeyd ee jamhuuiryadda Soomaaliya soo martay ku amartay taliska ciidanka xoogga in ay wax ka qabtaan cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan isbaarooyinka basle dhibaatooyinkaas welli waa taagan yihiin.

Qaar kamid ah Ciidanka dowladda ama shaqsiyaad kooban ayaa ayaa sameeyo falal foolxun oo ka baxsan sharuucda ciidanka Qaranka lagu dhisay waxayna si qarsoodi ah u galaan jidadka ama waddooyinka ah ku safraan gaadiidka kala duwan ee u kala sarfa caasimada iyo gobolada dalka.

Biya dhaca sheekadaan waxan diiradda ku saari doonaa dhibaatooyinka kala duwan oo ay la kulmaan baabuurta ka shaqeeyo magaaladda Muqdisho iy gobollada dalka gaar ahaan waddada xiriiirsa Xamar, shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Gaadiidka u kala goosha Gobolka Banaadir iyo Hiiraan ayaa si joogto ah waxay ula kulmaan Kooxo burcad ah kuwaas oo u gala Wadooyinka kala duwan ee isku Hiiraan Iyo Muqdisho waxayna ka qaadaan Lacago sharci darro ah sidoo kale ay jirdil xooggan u geystaan Gaadiidleyda baabuurta haddii ay bixin waayaan lacagaha ay rabaan xilligaasi.

Kooxahaan ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin ilaa dhowr kooxood ah kuwaaas oo si soo boodda ah jidka ugu ga;a gaadiidka, lacagahaay la qaataan ayaa ka bilaabata $500 oo dollar ilaa $1000 dollar Ciddii diidana waxay ku smaeeyaan jir dil xooggan kadibna si qasab ah ayey ku bixiyaan lacagaasi.