Mid ka mid ah Haweenka ka soo jeeda Gobolka Gedo oo sheegtay in ay u tartami doonto Xilka Madaxweynaha Jubaland.

36

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa lagu Qabtey Xaflad si heer sare loo soo Agaasimey,islamarkaana ay ka soo Qeyb galeen Qaar ka mid ah Odoyaasha iyo Waxgaradka degmada Baardheere.
Ujeedada Xaflada ayaa ahayd Shaacinta iyo Taageerida Musharaxnimo ee Gabadha lagu magacaabo Xamdi Qureesh Bayow oo la sheegay in ay u taagan tahay Qabashada Xilkaasi Doorashada soo socota ee Madaxweynaha Jubaland.

Qaar ka mid ah Odoyaasha iyo Waxgaradka ka Hadley Kulankaasi taageerada ayaa waxay sheegeen in ay ku kalsoon yahiin Qabashada Xilkaasi culus,islamarkaana ay garab taagan yahiin.

Talaabada Musharaxnimo ee Xamdi Qureesh Bayow ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ee Gobollada Jubooyinka.

Musharax Xamdi ayaa ah Gabadhii labaad ee ka soo jeeda Gobolka Gedo oo ee si rasmi ah u shaacisey in ay u taagan tahay Qabashada Xilka Madaxtinimada ee Dowlad Goboleedka Jubaland oo ay ka harsan tahay Muddo labo Sanno ah.