Meydadka muhaajiriin u badan Afrikaan oo laga halay xeebaha Giriigga

53

Ilaalada xeebaha Giriigga ayaa Khamiistii sheegay inay soo saareen meydadka 15 qof oo la socday labo doon oo tahriibayaal ah oo degtay, iyadoo dhowr kalena laga cabsi qabo in la la’yahay.

Meydadka 15 haween ah oo asalkoodu Afrikaan yahay ayaa laga helay meel u dhow jasiiradda Lesbos kadib markii doon la rumeysan yahay in ay saarnaayeen ilaa 40 qof ay ku degtay bariga jasiiraddaasi xilli ay dabeylo xooggan socdeen, sida uu afhayeenka ilaalada xeebaha Nikos Kokkalas u sheegay TV-ga qaranka ee ERT.