Madaxweynaha Cusub ee Kenya oo booqasho rasmi ah ku tegay Itoobiya

56

Madaxweynaha Cusub ee dalka Kenya William Ruto iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa madaxweyne William Ruto kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimo khuseeya labada dal iyo arrimo kale duwan oo ku saabsan xiriirka soo jireenka ee u dhaxeey labada dal.

Dhinaca kale Madaxweynaha Cusub ee dalka Kenya William Ruto ayaa goobjoog ka noqon doona Munaasadda furitaanka Shirkadda Safaricom qeybteeda dalka itoobiya.

Maalmaha uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Cusub ee dalka Kenya William Ruto ayaa waxaa uu booqan doonaa Xarumo kala duwan oo kuyaalla halkaas.