Maxay ka wad-hadleen wasiirada duulista hawada ee Soomaaliya iyo Itoobiya?

223

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan la qaadatay dhigeeda Dalka Itoobiya , Marwo Dagmawit Moges.

Wasiirka ayaa dhigeeda Itoobiya ugu hambalyeesay xubin- nimada guddiga golaha 41-aad ee hay’adda Duulista adduunka ee ICAO, kaddib markii shalay shir weynaha 41aad ee hay’adda Duulista adduunka (ICAO) loogu doortay xubin ka tirsan golaha.

Sidoo kale , waxaa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada labada dal, iyadoo Wasiirka Gaadiidka Itoobiya , Marwo Dagmawit Moges ay boggaadisay dadaallada lagu horumariyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Docda kale , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan farsamo oo diirrada lagu saaray iskaashiga iyo wadaaga xirfadaha iyo horumarinta adeegyada Gaadiidka la qaadatay wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya.