Guddoomiye Cali jeyte” Waa in tallaabo laga qaadaa Taliyeyaasha Booliska & Nabadsugida Gobolka Hiiraan”

56

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa Maalin kadib faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne, kaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Guddoomiye Jeyte wuxuu sheegay in qaraxyada ay ku dhinteen in ka badan 30 Ruux oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo Shacabka 58 qofna ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaar Muqdisho la keenay qaarna Beledweyne lagu daweeynayo, sidoo kale qaraxyada ay Guryo farabadan ku burbureen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo wajigiisa laga dheehan karay carro xoogan ayaa sheegay in dhammaan Gawaaridii qaraxyada lagu fuliyay ay kasoo gudbeen Buundada magalada Beledweyne sababo la xiriira dayac ka yimid Hay’adaah Amniga sida Booliska iyo Nabadsugida.

Waxaa uu ku eedeeyay Taliyeyaasha Booliska & Nabadsugida Hir-Shabeelle inay xil iska saari waayeen in la adkeeyo Amniga Magaalada Beledweyne, sidoo kalena laga hortaggo qaraxada Al-Shabaab, wuxuuna ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay tallaabo ka qaado labadaasi taliye.