Dowladda oo Amaro culus dul-dhigtay Shirkadaha diyaaradaha ka howlgalla dalka

47

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isaga oo fulinaya doorka Wasaaradda ee la dagaalanka Al-Shabaab, wuxu kulan la qaatay shirkadaha ka shaqeeya adeega duulimaadyada oo ku bahaysan daladda SATA oo uu ku amray joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo Al-Shabaab, waxaana uu u sheegay in arrintani tahay go’aan dawladdeed isla-markaana ciddii fulin wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Wasiirku, wuxu carabka ku adkeeyey in marna ba aan la aqbali doonin in dhaqaalaha laga qaado ganacsatadu uu noqdo mid lagu xasuuqo isla-markaana lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga ayaa waxaa lagu sheegay in ganacatada ku bahoobay daladda Adeegyada Duulimaadyada ee SATA ay dhankooda sheegeen inay u hoggaansamayaan awaamiirta ka soo baxday dhinaca dawladda.

Shirkan oo Wasiirka ay ku wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicaziz Ibraahim Aadan, ayaa iyagu dhankooda adkeeyey go’aamada ka soo baxay dhinaca Wasaaraddu in aanay ahayn kuwo ka noqosho leh isla markaana uu ujeedkoodu yahay siddii xididada looggu siibi lahaa dariiq kasta oo ay lacago ku hesho Al-Shabaab.