Bandow ka dhaqan galay Magaalada Beledweyne kadib qaraxyadii ka dhacay

28

Kadib markii taliska Booliska Magaalada Beledweyne uu Magaalada kusoo rogay bandow la xiriira amniga oo soconaya muddo 24 saacadood ah, kaas oo looga jawaabayo weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay Magaaladaas ayaa waxaa ka dhaqan galay bandowgii lagu soo rogay.

Wararka la helay ayaa sheegaya xalay ilaa saaka uu Magaalada Baledweyne ka dhaqan galay bandowga, isla markaana ay xira yihiin Goobaha Ganacsiga Magaalada, sidoo kalena ay hakad kujiraan isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa soo sheegaya in inta badan Magaalada Beledweyne lagu arkayo Ciidamo farabadan, kuwaas oo ku howlan sugida Amniga iyo xaqiijinta Amniga.

Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo dad Shacab ah, waxaana qaar kamid ah dhaawacyada ugu culus la keenay Magaalada Muqdisho.