Faah faahin: Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & khasaaro ka dhashay

46

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Maanta waxaa uu ku dhexmaray degaanka Geed-weyne oo u dhaxeeyo Degmada Jalalqasi iyo Degaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan Ciidamada degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Macawiisleyda ay weerareen degaanka Geedweyne oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Horjoogayaasha Macawiisleyda ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka ay uga jawaabayeen dadkii Habeen ka hor Al-Shabaab ku xasuuqeen degaanka Afar -irdoodka ee u dhow degmada Maxaas, Isla markaana Al-Shabaab ay uga dileen 15 Xubnood.

Saraakiishu ma sheegin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka dhankooda, waxaa sidoo kale weli ka hadlin Ururka Al-Shabaab oo ku sugan degaanka ay weerareen maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano katirsan Gobolka Hiiraan ka socday howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo siwadajir ah ay u fulinayeen Ciidamada xoogga dalka qeybaya 21aad iyo 27aad & Ciidamo degaanka ah wallow maalmihii la soo dhaafay ay istaageen.