Shirkii Baarlamaanada Afrika oo soo dhamaaday iyo qodobadii looga hadlay

11

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qayb galey xiritaanka shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyey magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saaray adkeynta iskaashi buuxa dhexmara dowladaha ku bohoobay madashan iyadoo muhiimad gaar ah la siiyey la socodka isbedelka cimilada iyo qaaradda iskugu tashan lahayn cunna yerida aduunka soo wajahdey, sidoo kale sidii looga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxa shirkan u dhexeeyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika.

Ugu dambeyn madaxda ayaa isla gartay in si wadajir ah looga hortago abaaraha soo noqnoqday iyo daryeel xumada ay wajahayaan malaayiin ruux oo Afrikaan ah.