Madaxda Qaranka oo ka qeybgalay salaadda janaasada Marxuumad Xasno

12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tukaday salaadda janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd hooyadii Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib murugada la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle, isagoo kulan la qaatay Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskeeda.

“Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygeeda ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka ay ka geeriyootay marxuumaddu”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeyb-galay tukashada Salaadda Janaasada ee Marxuumadda, Ra’iisul Wasaareyaal Hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo mas’uuliyiin ka socday labada Gole ee Dowladda.