dowladda Soomaaliya oo kahadashay dilalka Soomaalida loogu geysto dalka Jarmalka

52

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jarmalka Maxamed Maxamuud Tifoow ayaa sheegay in aysan jirin muwaadiniin Soomaali ah oo si sharci darro ah ama si qasab ah looga masaafuriyay dalkaasi.

Safiirka oo u waramayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay la mid yihiin dadka ajaaniibta ah ee ku dhaqan dalka Jarmalka,isla markaana ay leyihiin xuquuq la siman muwaadiniinta dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jarmalka Maxamed Maxamuud Tifoow ,waxa uu xaqiijiyay in ay ka warhayaan dil todobaadkii hore ciidanka boliiska ay u geysteen nin soomaali ah,isagoo intaa raaciyay in ay jiraan qoysas laga qaatay caruurtooda ,kadib markii lagu eedeeyayIn ay dayac ku sameeyeen la socodka iyo ka warqabka nolosha caruurtaasi..

Safiirka,waxa uu soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jarmalka ay wax u qabsadaan sida dadyowga kale.

Dalka Jarmalka waxaa ku nool 72 kun oo soomaali ah,kuwaas oo 20 kii sano ee u dambeeyay galay ama u tallaabay dalkaasi ,waxayna isugu jiraan qaar sharci leh iyo kuwo aan sharci heysan.