Dowladda Somalia oo shuruud ku xirtay inay mashaariic ka fuliso dowlad goboleedyada

44

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudah Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mashaariida horumarineyd ay ka fulineyso goobaha dadka degan ay iska xureeyaan ururka Al-Shabaab ee kuyaalla Gobolada dalka.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay dileen dadkii hoggaanka iyo hal doorka u ahaa dadka kunool Gobolka Hiiraan, hayeeshee hadda ay heystaan fursad ay ugu aarudaan mas’uliyiinii ay ka dileen Ururka Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi wuxuu hadalkiisa uu inaasi kudaray in bulshada kunool Gobolka Hiiraan & guud ahaan Soomaaliya looga baahan yahay inay tartan u galaan sidii dagaal looga qaadi lahaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana dadkii degaannadooda ka saara dowladda Soomaaliya ay ka bilaabi doonto adeegyada caafimaadka iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudah Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadaya xilli degaano iyo degmooyin katirsan gobolka iiraan ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo degaanka ah oo is abaabulay, kuwaas oo garab ka helaya Ciidamada dowladda Soomaaliya.