R/wasaare Xamse oo ka hadlay Weerarka saacadihii u dambeeyay ka socda Hoteelka Xayaat

63

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa u tacsiyeeyay ehelka dadka wax ku noqday Weerarka Al-shabaab ku qaadeen Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu la beegsadeen hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, dhaawacyadana deg deg u bogsiiyo” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.