Guddoomiye Ku-Xigeen Hore Oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Degaan Ka Tirsan Sh/Hoose

67

Wararka aan ka heleyno degaanka Yaaq-biriweyne oo hoostega degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in gabaldhicii galabta halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay maleeshiyo beeleed.

Dagaalka maleeshiyo beeleedka u dhexeeyay ayaa salka ku haayay arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo horey uga dhacay degaanka Yaaq-biriweyne, dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi dhacay, waxaana dadka ku jiray Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmada Wanlaweyn Axmed Kheyr Cabdow.

Weli ma jirto cid kala dhex-gashay labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamay Yaaq-biriweyne, iyadoo dhinacyada uu gabalka ugu dhacay halkii ay ku kala sugnaayeen, Maaamulka Wanlaweyn ayaa ka hadlin dagaalka.

Si kastaba dagaal beeleedyo salka ku haayay arrimo la xiriira dilal aanooyin ayaa dhowr jeer sidaan oo kale uga dhacay degmada Wanlaweyn, waxaana dagaalada qaarkood ay ahaayeen kuwo si xun dad loogu dilay.