Mareykanka oo ka hadlay Weerarka saacadaha ka socda gudaha Hoteelka Xayaat

18

Dowladda Mareykanka ayaa si adag u cambaareysay weerarka saacadaha badan ka socda Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

“Dowladda Mareykanka waxaa ay si adag cambaareynaysa weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Hoteel ku yaal Muqdisho. Waxaan tacsi u direyna dhammaan qoysaska waayay dadkoodii ay jeclaayeen, waxaana caafimaad u rajeynayna inta dhaawaca ah.  waxaana ballan qaadeynaa in aan sii wadeyno taageerada Soomaaliya si loola xisaabtamo gacan-ku-dhiiglayaasha & dhismaha wixii ay burburiyeen” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Mareykanka.