Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay wafdi ka socday QM

39

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Caasimadda Muqdisho Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Sarkaalka mas’uulka ka ah Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho, waxa uu kala hadlay barnaamijyada Qaramada Midoobey ee horumarinta , dowlad dhiska iyo dadaallada bani’aadannimada.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta gurmadka aadannimo ee la gaarsiinayo dadka tabaalaysan, sidoo kale waxaa la isla fallanqeeyay horumarka xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad ugu dadaalayso sidii gargaarka ay u gaarsiin lahayd dadka u baahan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo kaalmooyinka bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo barnaamijyada horumarinta ee lagu taageerayo ujeeddooyinka mudnaanta koowaad u leh dowladda.