C,raxmaan Cabdi Shakuur malaga maarmey,mise wuu is casili doonaa.

32

Golaha Wasiirada ra’iisul wasaare Xamza oo todobaadkaan yeeshay kulan ayaa diirada lagu saaray arrimaha gurmadka abaaraha xilli ay Soomaaliya weli ku jirto waqti adag oo abaar ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka kadib hadlay wuxuu ujeedka kulanka ku sheegay xoojinta qeyla dhaanta dowladda Soomaaliya ee arrimaha abaaraha iyo in si dhab ah wax looga qabto dhibaatada taagan.

Wuxuu dul istaagay halka uu marayo xaalka dadka ay abaartu saameysay, waxaana gabagabada kulanka lasoo nooleeyey hey’adda maareynta musiibooyinka waxaana la dhisay guddi heer wasiir ah.

Tallaabooyinkaas kadib waxaa baraha bulshada qabsaday su’aalo la xiriira in laga maarmay ergeygii gaarka ahaa ee arrimaha abaaraha oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.