Madaxa ugu sareeya Hay’adda WFP oo Booqasho ku yimid Baardheere(Sawirro)

40

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa soo gaarey Wafdi balaaran oo ka socday Hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP,waxaana Wafdigaasi hogaaminayey DAVID BEASLEY oo ah Agaasimaha Fulinta ee WFP,wafdigan ayaa Booqdey Xerada Barakaca Iftiin oo ay SADO ka wadey Mashruuca Kaararka Cunnada iyo MCHka Horseed ee ay maamusho HIRDA.

Wafdiga ayaa si diiran waxaa degmada ugu soo dhaweeyey Maamulka degmada Baardheere uu oo hor kacyo Gudoomiye Maxamed Weli Yuusuf Qorax iyo Xubnaha kale ee Maamulka degmada iyo Howl wadeeno ka kala socdey Ururada Samaflka ee ka howl gala degmada.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Degmada Baardheere oo ay Goob joog ka ahaayeen Saraakiil ka kala Socotay Hay’daha Samafalka sida,NCA,SADO iyo HIRDA,kulanka ayaa waxaa looga wada hadley, kaalmada Bini’aadantinimo iyo mashaariicda kale ee WFP ay ka wado Gobolka Gedo,gaar ahaan Baardheere,sidii loo dardargelin lahaa.