Bannaanbixii ka socday dalka Sri Lanka oo xoogeysatay & Madaxweynaha oo is casilaya

37

Banaanbaxayaasha waddanka Sri Lanka  ee gudaha u galay Madaxtooyada dalkaas ayaa bilaabay inay ku dabbaashaan Barkaddii uu ku dabbaalan jiray madaxweynaha dalkaasi.

Shacabka dalka Sri Lanka  ayaa ka cabanaya sicir bararka iyo nolol xumada ka jirta dalkaasi, taas oo keentay inay banaanbaxaan, isla markaana gudaha u galaab Xarunta madaxtooyada.

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay in uu xilka ka degayo 13-ka bishan July kadib dibadbaxyadii rabshadaha harreeyay dalkaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa Mahinda Yapa Abeywarden ayaa lagu wargeliyay is casilaadda madaxweynaha.

Dadweyne careysan ayaa shaley xoog ku galay guriga madaxweynaha, waxay codsanayeen in uu xilka banneeyo, waxay ka careysnaayeen dhaqaale xumida daran ee saameysa Sri Lanka.

Dibaxbayaasha ayaa shaley dab qabadsiiyay guriga Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa siyaasiyiinta dalka Sri Lanka ka codsatay in ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xasaradaha dhaqaale ee ka taagan waddankooda.