Hay’adda ICG oo soo jeedisay in DF ay wadahadal la gasho Al-shabaab

4

Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha aduunka ee ICG ayaa soo jeedisay in dowladda Soomaaliya ay wadaxaajood la gasho kooxda Alshabab.

Hay’addan oo ka faaloota xasaradaha dunida ayaa soo jeedisay in wadahadal lagu dayo dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayay kaga deyrisay dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya labada dhinac.

Al-shabab ayaa weeraro dad badan ay ku dhintaan ka fulisa gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda.