Madaxweynaha Puntland oo Safiirka Mareykanka kala hadlay Arrimaha Amniga & Abaaraha

44

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Magaalada Muqdisho kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André Jr.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Amniga iyo Abaaraha.

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André Jr ayaa sheegay in Mareykanka uu sii xoojin doono taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee Arrimaha Amniga iyo Abaaraha.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Safiirka taageerada uu Mareykanka siiyo Soomaaliya, isaga oo sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay wadashaqeyn xoogan la yeelato Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André Jr ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo kala duwan la yeelanayay Madaxda Soomaalida, waxaana uu wadaa dadaalo ku aadan sidii wadashaqeyn ay u dhexmarto Madaxda Cusub ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.