M/weynaha DDS oo safar ku tagay Somaliland

18

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ku tegay Somaliland.

Wafdiga Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamuud Cumar (Cagjar), waxaa qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyadoo loo sii galbiyay xarunta Madaxtooyada maamulkaas.

Dhinacyada ayaa Madaxtooyada Somaliland ku leh shir ay  ugu wada hadlayaan xiriirka iskaashi iyo midka amni ee ka dhaxeeya labada Maamul.