Xaflad lagu Taageerayo Xildhibaan Axmed Daqare oo Baardheere ka dhacdey”Sawirro.

58

Qaar ka mid ah Qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere ayaa Xaflad Soo dhoweyn,Taageerid iyo Bogaadin ah u Sameeyey Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahin(Daqare) oo dhowaan ku guulaystay Xubinimada Aqalka Hoose ee Barlamaanka 11 ee Soomaaliya.

Xafladan oo uu soo Qaban Qaabiyey Sanweyne Aden Dheere oo ah Madaxa Mashaariicda Maamulka Baardheere ayaa Waxa kasoo qeybgalay,Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka Baardheere,Odoyaasha ,dhalinyarada,haweenka iyo Waxgaradka deegaanka.

Khudbadaha laga jeediyey intii ay Xafladu socotay ayaa looga hadlayay Waxqabadkii Hore ee Xildhibaan Axmed Daqare, iyadoona dadkii Madasha isugu yimid ay dhamaantood isku raaceen inuu istaahilay xilka xildhibanimo ee loo doortay,islamarkaana u jeediyey Dardaaran.

Gebagebada Xaflada ayaa laga soo saarey Baaq ku aadan siddii Xildhibaanada matela Gobolka Gedo ay ugu qeyb qaadan lahaayeen gurmaka Abaaraha iyo wax ka Qabashada adeegyada Bulshada ee Gobolka uu ka liito.