Xaalada Nololxumo iyo Cuduro Sababay dhimasho oo ka taagan Xeryaha Barakacayaasha ee Duleedka Baardheere(SAWIRRO)

21

Waxaa laga deyrinayaa xaalada nololeed ee iminka ay ku sugan yahiin kumanaan Qoys oo deegaanadooda ugu soo barakacay Abaarta ee degan Xerada Iftiin ee ku taala duleedka Baardheere,Qoysaska faraha badan ee degan Xeradaasi ayaa u badan ,Haween,Caruur iyo dad kale oo waayeelo ,kuwaasi oo ka soo kala barakacay deegaano hoos taga degmooyinka Diinsoor iyo Qansaxdheere.

Shantii bilood ee la soo dhaafey dad gaaraya ilaa 209 ruux oo 153 ka mid ah ay yahiin Caruur ka yar shan sanno ayaa ugu geeriyoodey Xerada Iftiin Gaajo iyo Cuduro ka dhashey Abaarta,halka ilaa dad gaaraya ilaa 172 ruuxna ay la liitaan xanuuno,Qoysaskaasi ayaa xilligan waxaa wajahayaan Daruufo nolol xumo sida ay noo Guddiga Xerada Barakaca Iftiin,Culimada degmada iyo Maamulka degmada Baardheere.

Dhibaatada ugu daran ee ay ka cabanayaan Qoysaskan oo markoodii hore noloshoodu ay ku tiirsaneyd Xoolaha iyo wax soosaarka Beeraha ayaa waxaa ka mid ah,Cunno la’aan,Hoy la’aan,Caafimaad daro iyo Biyo yari,mana jirto ilaa iyo iminka meel ay ku tiirsan tahay Noloshooda,waxaana xeryaha Barakaca Baardheere maalin weliba soo gaara dad lagu qiyaasey ilaa 33 qoys.