Wasiirka Amniga oo Shaqa joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska

64

Wasiirka Wasaaradda  Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray Wareegyo uu sheegay in uu Shaqada kaga joojiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Wareegtada ayaa Wasiirka waxaa uu sheegay in markuu garowsaday khatarta iyo xasilooni-darada dalku ku sugan yahay ee abuurtay hubanti la’aanta dhamaystirka doorashooyinka oo uu sabab u yahay Taliyaha Boliiska Soomaaliya.

Markuu arkay in Taliyaha Ciidanka Boolisku si bareer ah uu iskugu dayay in uu u hor istaago doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee loo balansanyahay maanta oo ah 27 April 2022.

Markuu xaqiiqsaday in si bareer ah Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka asaga oo u adeegaya dano gaar ah.

Markuu helay xogo muujinaya in uu taliyuhu ku howlan yahay falal khatar ku ah bad qabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo masuuliyiin sarsare oo xilala muhiim ah kahaya dalka,

Markii ay u cadaatay Wasiirka in talaabooyinka uu qaaday Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ay noqon karaan dambiyo qaran oo u baahan in baaritaan uu ku sameeyo xeer-ilaaliyaha Maxkadamada Ciidamada Qalabka sida.

Waxaa uu xeeriyay Wasiirku

1. Waxaa shaqa joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022.

2. Waxaa si KMG ah hogaanka Ciidanka Booliska usii wadaya Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

3. Wasiirku waxaa uu farayaa saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasada gaar ahaan arimaha doorashooyinka una gutaan waajibaadkooda si dastuuri.

4. Wasiirka Amnigu waxaa ku wargelinayaa Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka iyo xildhabaanada sharafta leh in ay u madaxbanaan yihiin goorta, Goobta qabashada doorashada Guddoonka Golaha.

Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa dhowr jeer oo hore soo saaray wareegtooyin kala duwan oo ku wajahnaa xaaladda dalka,  hayeeshee ay Shaqeyn waayeen.